Todobaadkan barnaamijka TubtaNabadda waxaan kaga hadli doonaa dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka Soomaaliya. Waxaa barnaamijka marti noogu ah Dahir Abdi Abdullahi oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wuxuuna ka hadli doonaa siyaasadaha Dowladda Soomaaliya ee ku saabsan dhiirigalinta hal-abuurka ganacsiga iyo maalgalinta Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale barnaamijka marti noogu ah Abdi Abshir Dhore oo ah Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo ka hadli doona caqabadaha haysta ganacsiga Soomaaliya iyo waxa loo baahanyahay in la sameeyo si loo kobciyo dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.
Ka dhageyso Radio Mogadishu, Radiokulmiye Knn, Raadiyo Baydhabo, SBC Radio, Risalah Radio, RadioCadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan barnaamijka ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb.
Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) ama ka daaro (bit.ly/2kljcZJ).