Codka Ubax: Recent Episodes

Ismaaciil C Ubax

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil ku waraysan doono dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah.

View Details

Send us a text

Waa qaybtii 4-aad ee taxanaheenna "Waan Is Guursannay", sidoo kale waa qaybtii u dambaysay ee sheekada Farxaan iyo Rooda. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Send us a text

Waa qaybtii saddexaad ee barnaamijkeennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Send us a text

Waa qaybtii labaad ee taxanaheennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Send us a text

Waa taxane cusub oo la magac baxay "Waan Is Guursannay". Waxa uu xoogga saarayaa qisooyinka dhegaystayaasha ku xidhan Codka Ubax iyo jacaylada guulaystay. Waa qaybtii kowaad. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta, waxana maanta ku casuuman abwaanka da'da yar ee Nimcaan "Qays Galbeed". Dhegaysi wacan!

Support the Show.

View Details

Waa mar kale iyo barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa marti ku ah Cabdirisaaq "Xasiliye". Dhegaysi Wacan.

Support the Show.

View Details

Muna Axmed Cumar waa qoraa wax ka qorta dhaqanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay isbedellada qoraalka, kuwa dhaqanka, iyo wacyiga bulshada. Dhegaysi wacan!

Support the Show.

View Details

Maxaad ka taqaannaa qanjidhka thyroid-ka la yidhaa? Waa Dr. Mariam oo ka warramaysa isbeddelka ku yimaadda qanjidhkan iyo sida uu dadka u saameeyo. Dhegaysi wacan!

Support the Show.

View Details

Maxaa soo celceliya khilaafyada Soomaalida, taariikh ahaan sidee loo xallin jirey, caqabado noocee ah ayaa se hor taagan in tabashooyinka la xalliyo? Mawduucan waxa aan kala sheekaystay Cabdiraxmaan Sheekh Xasan "Musaabaqo". Dhegaysi wacan!

Support the Show.

View Details

Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa maanta marti ku ah Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed". Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Siyaabo gurracan ayay Soomaalidu inta badan u adeegsataa baraha bulshada. Waxa aannu sheekaysannay Cabdillaahi Xasan Ganey. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waa taxanihii "Waa Layga Guursaday", qaybtii 13-aad. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waxa aannu magaalada Dhuusamareeb kula kulannay Prof. Axmed Salaad oo aanu kala sheekaysannay isbeddelka dhaqanka ku socda. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Hadhiwaa waa buugga cusub ee uu qoray Maxamed Haldoor, kaas oo uu kaga warramayo waayihiisa caafimaad iyo isbeddelkii ku yimid. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Maansada Urugo waxa ay ku saabsan tahay qiso xanuun badan oo uu ka sheekayn doono Abwaan Cabdirisaaq "Bidixo", maansadeedana tirin doono. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waxa aannu magaalada Stockholm kula sheekaysannay Foosiya Rindai.

Support the show

View Details

Cabdi Maxamed Axmed waxa uu ka shaqeeyaa horumarinta afka iyo dhaqanka, waana Aasaasaha iyo Maamulaha Kitaab Cloud. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Caweyska Boorama iyo Codka Ubax. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waxa aannu magaalada Beledweyn kula kulannay Cali Baarrey oo ah sugaanyahan, macallin iyo odhay-dhaqameed. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Qofku safarka wuu isku bartaa, dadkana wuu ku bartaa, Qays Qeyser ayaynu kala sheekaysan doonnaa naftiisa, ta dadka kale iyo riyooyinkiisaba. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 12-aad. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Silsiladda jacaylka ee Muxubbo-Heellood waxa dalka Hindiya ka bilaabay Abwaan Haldeeq. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waxa aannu dadweyne tiro badan ku caweynay magaalada Burco. Daawasho wacan!

Support the show

View Details

Maxaa iska beddelay qaabnololeeda Soomaalida? Mustafe Maxamed Cali waxa uu ku takhasusay daawooyinka. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Fanka, suugaanta, saxaafadda, jacaylka, degaanka Darroor, xerta timaweynta.. Cabdi Ciise Cajuun. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Barnaamijkan waxa aynu ku dhegaysan doonnaa laba halyey oo naftooda u huray sidii ay dadkooda wanaag iyo jacayl uga dhex abuuri lahaayeen. Waa laba jiil oo ay shaqadoodu midaysay, yoolkooduna mid yahay.  Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 11-aad. Dhegaysi wacan.

Support the show

View Details

”Bandhigga Hangoolka” iyo daahfurka madasha la yidhaa Fankeenna. Dhegaysi wacan! 

Support the show

View Details

Hababka ugu saamaynta badan ee sheekooyinka loo tebiyo waxa ka mid ah samaynta filimada. Soomaalida iyo adeegsiga filimaanta ayaynu kala sheekaysanaynaa labada Soosaare ee Maan Yuusuf iyo Khaalid Siciid. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Cabdirixiin Siddiiq "Heello" waa halabuur maansayahan ah, halkan waxa uu kaga hadlayaa maansada iyo noocyadeeda guud ahaan, gaar ahaanna maansadiisa "Udbaha Nolosha". Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Dr. Ciise Cabdi Jaamac waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn. Waxa uu daweeyaa dad ku nool dhulal aad u fog oo ay ka jirto baahi caafimaad. Waxa aynu kala sheekaysan doonnaa qiimaha ay leedahay in dadka loogu adeego bani’aadannimo. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Gabboodfallada caafimaadku waa maxay? Sidee loo maareeyaa marka khalad dhaco, dhibbanaha maxaa la gudboon, ma se jiraa xeer caafimaad oo dalka u yaal? Ma laga ganacsan karaa caafimaadka iyo daawooyinka, yaa se hubinaya tayadooda? Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee Waa Layga Guursaday, qaybtiisii 10-aad. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Haddii aad warbaahinta ka shaqaynaysay labaatankii sanno ee u dambeeyay, sidee ayaad u arki lahayd isbeddelkeeda joogtada ah? Sidoo kale, Axmed Cismaan Batuun waa abwaan curiya suugaanta, bulshadana qaybaheeda kala duwan u wacyigeliya hab uu jiil kastaa fahmayo. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Qof kasta oo i naga mid ah, Hadraawi wax ayuu u ahaa, kaalin ayuu igu jirey. Prof. Bulxan, Rooble Cabdi Muuse iyo Xasan Maxamed Yuusuf oo midba dhan ka eegi doono maansadii iyo shakhsiyaddii Hadraawi, ayaa ka warrami doona. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waa kalkii 6-aad iyo qaybta kowaad oo aynu la sheekaysan doonno Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska, Cabdiraxmaan Cismaan ”Xaaji”. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Cumar Seerbiya waa weriye wakhti badan geliyey baadhista fanka iyo fannaanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay waxa loogu yeedho fanka reer magaalka, bilowgiisii, aragtida bulshada iyo maanta halka uu marayo. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waa qaybtii sagaalaad ee taxanaheennii Waa Layga Guursaday. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Waxa aynu la sheekaysan doonnaa Ayaan Axmed Caydiid ”Kaab” oo ka warrami doonta suugaanteeda kaftanka iyo maadda huwan iyo ujeeddooyinka ay u tiriso.

Support the show

View Details

Nidaamka caafimaadka ee caalamiga ahi sidee ayuu u shaqeeyaa, maxaa se saameeya? Siyaasad ma ka madhan yahay, sidee ayuu se xidhiidh ula leeyahay ka dalalku gaarka u leeyihiin? Dr. Cabdishakuur Cali Maxamed ayaa ka warramaya taariikhda caafimaadka adduunka iyo halka uu maanta marayo. Dhegaysi wacan!

Reality Life with Kate Casey
Three times a week I interview directors, producers, and stars from unscripted television.
Listen on: Apple Podcasts   Spotify

Create Content with Confidence
Listen to The Proffitt Podcast for the best content tips, strategies, and resources.
Listen on: Apple Podcasts   Spotify

Support the show

View Details

Waa barnaamijkeennii WLG, qaybtiisii 8-aad. Qaybtan waxa aynu ku wadaagi doonnaa laba sheeko oo ay soo gudbiyeen laba gabdhood. Labadan sheeko waxa la kala yidhaa "Allow Hargab Ka Dhig" iyo "Inantu Aniga Ma Aha". Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Laba sanno gudahood ayay ku beddeshay nolosha kumannaan qof, sidoo kalena ay ku samaysay dhaqaale dhawr milyan oo doollar ah. Fadumo Faysal Cali ”Waraabe” waa kalkaaliso aasaastay shirkad u adeegta bukaanka iyo inta jilicsan ee dalka Finland. Dhegaysi wacan!

Support the show

View Details

Carruurnimadaadii, sidee ayaad u ciidi jirtey? Su'aashan ayaannu weydiinnay ehel iyo asxaab kala duwan oo maanta ku ciidayay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Ridwaan Iid "Hilawle" waa halabuur curiya suugaanta, sameeya laxammada heesaha, sidoo kalena ku luuqeeya cod aad loo jeclaysto. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa silsilad-suugaaneed ka dhalatay geeri naxdin leh oo kala geysay lammaane ku ballansanaa in ay is guursadaan. Dhacdadan iyo suugaanta ka dhalatayba halkan ka dhegayso. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa qaybtii toddobaad ee barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ka boganaynaa sheekada lammaane kala jooga Hargeysa iyo Jigjiga. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Cumar Cabdi Nuux waa jilaaga filinka caanka ah ee sannadkii u dambeeyay adduunka qabsaday. Waxa aannu kala sheekaysannay hayaankiisa jilaanimo, dariiqii loo maray filinkan u dambeeyay iyo guud ahaan waayaha ku gedaaman curinta filimaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Saamayn dhaqaale oo muuqata ayuu dabkii Hargeysa ku yeeshay shacabka. Sidoo kale mid maskaxeed ma ku yeelan karaa? Sidee looga soo kabtaa labadaas? 

Waxa faahfaahin ka bixinaya Ugbaad Axmed Xaashi iyo Dr. Axmed Cabdi Xirsi. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta oo uu markan marti ku yahay Cabdirixiin Siddiiq "Heello". Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa qaybtii lixaad ee taxaneheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko, ta kowaad waxa la yidhaa ”Islaan Baan Qalayay”, ta labaadna ”Igu Labee”. Dhegaysi wacan! 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Badhtamaha xaafadda ugu hadalhaynta badan magaalada Stockholm, marka ay noqoto dhanka rabshadaha, waxa ku taalla makhaayad nooceedu ku yar yahay ogaalka dadka. Waa makhaayad la yidhaa Tast of Africa oo loo furay dumarka oo keli ah. Waxa aan la sheekaystay mulkiilaha, Ubax Cumar Toosh. Dhegaysi wacan! 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Jacaylku waa maxay, imisa nooc ayuu u qaybsamaa, ma daruuri baa in wax la jeclaado mise waa dookh, ragga iyo dumarka sidee ayuu u kala saameeyaa, waa se maxay aragtida suugaanyahanka ee jacaylku? Waxa aan la sheekaystay Mawliid Aadan Biixi oo ah Qoraa iyo Suugaanyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa qaybtii shanaad ee tanaxanihii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa, "Hooyaa i Tidhi ha Guursan" iyo "Sannad Baan is Qabnay." Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

CIID WANAAGSAN - Waxa barnaamijkan daaddihinaya Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, waxana ka mid ah dadka ka qaybqaadanaya, Faysal Xawaase, Xasan Waddo, Mubaarig Qoorubaxay, Khaliif Faarax Xayir iyo Samatar Siciid Saalax. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Abwaan Keyse Maxamed "Galaydh" waa gabyaa ka maansooda nolosha qaybaheeda kala duwan. Isaga oo safar ah, ka yimid Jigjiga, una socda Burco, ayaannu ku sheekaysannay Hargeysa, suugaantiisa dhanka jacaylka iyo waxbarashadana ku wadaagnay. Dhegaysi habboon!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Wax ka baro magaalada Jawhar oo ah halka uu ku dhashay Siciid Xagaa Afrax. Siciid oo saxaafadda ku jirey muddo 20 sannadood ah, waxa uu ka warramayaa jabkii uu u soo maray mihnaddiisa iyo sidii uu uga gudbay caqabadahaas. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa qaybtii labaad ee barnaamijkii dalxiiska ee Ceerigaabo. Qaybtan waxa aynu ku tegi doonnaa buurta Daalo. Waxa aynu subax hore ka bixi doonnaa magaalada Ceerigaabo, innaga oo ka sii quraacan doonna tuulada Karin. Waxa safarka hage ka ah Cabdirisaaq iyo Khadiija. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waxa aannu dalxiis ku tegaynaa gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo iyo Buurta Daalo. Barnaamijku waa laba qaybood. Qaybta labaad waxa ay ku soo bixi doontaa barnaamijka kan xiga. Nala dalxiis. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday" qaybtiisii afraad. Waxa qaybtan ku jira labada sheeko ee la kala yidhaa "Jacayl-ku-xigeen" iyo "Wuu Iga Adkaa". Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Dhallinyar badan oo ay da’doodu ka yar tahay 31 jir, ayaa markii u horreysay noloshooda codayn doona oo soo dooran doona Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale waxa isla mar dhacaysa doorashada Golaha Deegaanka. Barnaamijkan oo aqoonkorodhsi ah, waxa aynu ku eegi doonna taariikhda doorashooyinka Somaliland iyo marxaladaha ay soo mareen. Sidee loo qaybiyaa 82-ka kursi ee Wakiillada? Doorashadani maxay kaga duwan tahay kuwii hore? In reernimo la isku soo xulo, ma tahay dimuqraaddiyad? Waxa si waafi ah uga warramaya Garyaqaan Guuleed Dafac. Dhegaysi wacan! 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Quruxda iyo degganaanshaha reerku waxa uu ku xidhan yahay isfahan dheeraad ah oo ka dhasha wadahadal iyo in si joogto ah la isu waraysto. Waxa aan Rooble Maxamed kala sheekaystay derajooyinka guurka ka horreeya iyo kuwa guurka laftiisa, sidii ay ahaan jireen iyo maanta sida ay yihiin. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa maalin Jimce ah, waxa aannu ku sugan nahay beer ka mid ah beeraha waaweyn ee degmada Arabsiyo. Waxa Codka Ubax si gaar ah ugu heesaya fannaaniinta kala ah Farxiya Fiska, Mahad Gelin Hore, Yurub Geenyo iyo Cabdi Yare. Cuudka waxa tumaya Nuuradiin Cali Amaan iyo Mustafe Cabdiqays, darbuugaddu waa Cali Aanso. Nala cawee. Dhegaysi wacan! 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Maxaa looga jeedaa baahiyaha gaarka ah, weli se ma is weydiisay inta nooc ee ay u qaybsamaan. Waxa laga yaabaa in aynu u naqaanno dadka aan laxaadkoodu dhammayn, gaar ahaan kuwa aynu muuqaalkooda ka garan karno oo keli ah. Balse ma og tahay in baahiyaha gaarka ah kuwooda ugu badani aanay qofka muuqaalkiisa ka muuqan. Cabdishakuur Maxamed Cabdi oo muddo dheer u dagaallamayay xuquuqda carruurta dugsiyada dhigta ee leh baahiyaha gaarka ah, ayaannu ka waraysannay. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa qaybtii saddexaad ee taxanaheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa "Hooyaan Noolayn" iyo "Beerlula". Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

In bulshadu, rag iyo dumarba, yeelato goobo ay ku dadkeedu ku ciyaaraan, kuna jimicsadaan, waxa ay korisaa caafimaadkeedka jidheed iyo bedqabkeeda maskaxeed, labadaba. Haddaba, maxay tahay sababta bulshada lafteedu indho gaar ah ugu eegto hablaha ciyaara kubbadaha kala duwan? Sidee ayaa se looga dhigi karaa ciyaaraha hablaha, kuwo aan laga qaloon? Ayaan Maxamed waxa ay tababare u tahay hablo gaadhaya 100, kala joogana gobollo kala duwan. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Aan idin baro ayeeyday Xaawa Ismaaciil. Ayeeyo waa qofka aan doonayo in aan u dabbaaldego bishan haweenka awgeed. Ma aha oo keli ah tiirka ugu weyn ee maanta lagu faano, balse aniga waa ii halyey. Ayeeyo da’deedu waa 81, waxana ay carruurteedu marayaan afar jiil. Tirada ubadka ay dhashay iyo dhashoodu, waa 51 qof. Waxa ay iiga warramaysaa waayaheedii dhallaannimo, jiilashii iyada ka horreeyay iyo dabcan sidii xaalku ahaa wakhtigeedii. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya afka iyo dhaqanka, sidee ayaanay isu saameeyaan? Dhaqanku weligii meeshiisa taagnaan maayo, ayuu qabaa Dr. Xuseen Saleebaan. Cabdi Gurey waxa uu leeyahay, afku marxalado badan ayuu soo maray, muhiimadduna waa in ereyada cusubi aanay meesha ka saarin kuwii Soomaaliga ahaa. Balse si afka loo ilaaliyo, waa in dadka qurbaha ka imanaya ee afku ku adag yahay aan lagu qoslin, lana faquuqin, waa sida ay Hibaaq Cali qabto. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Qof aad si kedis ah ula kulantay oo aad ka heshay, sidaasna aad ku kala lunteen, sideed ku heli lahayd? Dareenka noocan ahi waxa uu ku kooban yahay qof keli ah, mana sahlana sida dareenkaas loo la noolaadaa. Sheekadan waxa ila wadaagtay inan ka mid ah dhegaystayaasha Codka Ubax. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Maxamed Galaydh waa suugaanyahan ka mid ah dadka aan xiiseeyo in aan wakhti la qaato, mar kasta oo aannu isu nimaadnana aannu fikirro is weydaarsanno, wakhtigana illowno. Caweyskan aannu Hargeysa ku wada qaadannay, waxa uu isaga gudbayaa mawduucyada nolosha intooda aan jeclahay oo dhan. Ila dhegayso! 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Dhiirrigelinta dhallinyarada, waa tiir ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee uu ku taagan yahay Codka Ubax. Barnaamijkan waxa aynu ku eegi doonnaa sifooyinka saxda ah ee ay tahay in uu lahaado qofka aynu ku dayanaynaa. Waxa mawduucan soo jeedinaya Mudane Maxamed Cumar Carte. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada is jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha #WaaLaygaGuursaday. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Saxaafaddu waxa ay door weyn ku leedahay horumarinta iyo dhismaha bulshada. Waa barta laga hago ummadda, laga toosiyo hoggaanka, laguna kaydiyo sooyaalka ummadeed. Haddaba waxyaabaha curyaamiya maxaa ka mid ah, sidoo kale diintu maxay ka qabtaa in dano kale la hoos gashado werinta dhacdooyinka? Waxa ila jooga weriye Siddiiq Maxamed Burmad. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha barnaamijyada aynu ku eegayno ganacsatada yaryar ee bilowga ah. BarnaamijkanI waxa uu diiradda saari doonaa habka ganacsiyada yaryari wax uga bedDeli karaan mustaqbalka dalka iyo sida ay u soo kordhin karaan halabuur tiknoolajiyeed. Waxa ila jooga Axmed Cali iyo Cabdifataax Suldaan. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa barnaamijka kowaad ee taxanaha aynu kaga hadli doonno dhallinyarada iyo ganacsiyada yaryar. Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla dhallinyarada doonaya in ay la yimaaddaan halabuur ganacsi. Waxa ila jooga Xasan Gaadh-haye iyo Aasiya Siciid. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa sannad cusub iyo Season 3. Waxa aannu dib u eegaynaa sannadkii tegay iyo barnaamijyadii baxay sannadkaas. Sidoo kale waxa aannu eegaynaa filashada sannadka soo socda, haddii Eebbe idmo. Waxa ila fadhiya Cawaale Deeqsi, Hibaaq Larry iyo Shukri Nuur. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Abwaan Weedhsame waxa uu macallin ahaa in ka badan 15 sanno, sidee macallinnimadiisu u saamaysaa suugaanta uu abuuro? Sidoo kale xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya suugaanta abwaan Weedhsame iyo xiddigaha sare? Siyaasadda ma khasab baa in laga maansoodo, se goorma ayuu ka caafimaaday jacaylkii dhawrka sanno dul degganaa? Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Hababka ugu saamaynta badan ee wax loo gudbiyo waxa ka mid ah habka maadda iyo qosolka. Sooraan Ismaaciil waxa uu ku suntan yahay, dedaal badanna geliyaa hagidda bulshada, isaga oo u maraya jidkaa aynu hore u soo sheegnay. Waxaannu ku sheekaysannay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Hadalhaynta tusaalayaasha togan ayaa inta badan ka saamayn iyo waxtar badan buunbuuninta mushkiladaha taagan. Wax badan ayaynu aragnaa sheekooyinka taban ee qoysaska Soomaalida, waxa se muhiim ah in sidoo kale xoogga la saaro sootebinta kuwa guulaystay. Waxa ila jooga lammaanaha  Mahad Jaamac Koronto iyo Warda-Sagal Axmed Rooble. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Marka jacayl dhab ahi ku hayo, waxa kaa tegaya go'aanka. Waxa kugu badanaya dabacsanaanta iyo u hoggaansamidda xaalado aanad beryaha qaar oggolaateen, wax walbana in aad tunka saarato ayaa suurtagal ah. Dr. Axmed Cali "Cantar" ayaannu ka sheekaysannay mawduucan iyo heesihiisaba. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Inta badan dhaqanka miyiga iyo Soomaalidii hore waxa aynu ku eegnaa indho kalgacayl leh, tusaalooyin badan oo toganna waynu u soo qaadannaa. Dhaqankaasi, saamayn noocee ah ayuu ku leeyahay nolosheenna maanta, xumaan iyo samaanba?  Abwaan Haykal ayaa ila wadaagaya xikmad iyo suugaanba. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya suugaanta Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey iyo waxbarashadiisa, sidee ayay se isu la fal galaan? Heesihiisa oo 70 kor u dhaafay, kuwee ayaad ka taqaannaa, sidoo kale suugaanta Soomaalida iyo aayaheeda dambe muxuu ka yidhi? Waxa aad ku maqli doontaa hees cusub oo uu abwaanku hadda soo saaray. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waxa dunida maanta ka jira olole lagu ceebaynayo Nebigeenna Muxammad ﷺ. Waa muhiim in laga dhiidhiyo, laakiin waa sidee habka ugu wanaagsan ee Nebiga ﷺ loogu hiiliyaa? Dhegaysi wacan.

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Qofku marka uu jidhka ka bukoodo, cisbitaalka ayuu tagaa, daawooyinna ka soo qaataa. Haddii se jacayl ku xumaado, halkee la tagaa? Cisbitaalka Jacaylka kaftan ayaan u haystay, dhegaysi wacan! 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Isbeddel kasta oo bulshada ku cusubi waxa uu la kulmaa cadaadis iyo cabbudhin. Sucaad Carmiye Odowaa waxa ay go'aansatay in ay halgan u gasho waxa ay aaminsan tahay oo ah xuquuqda dhallinyarada iyo haweenka. Waxa ay u sharraxan tahay xubin baarlamaan oo Somaliland ah. Sidee looga falceliyay go'aankeeda, sidoo kale waa maxay sababta ay halgankaas ugu badheedhay, maxaa se ka dhexeeya Sucaad iyo Saado Cali? Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Abwaan Khaliif Faarax Xayir isaga oo yar ayuu gurigoodii ka tegay, waa dalmar soo arkay dhul tiro badan oo dalka iyo debeddiisaba ah. Nolol wejiyo badan leh ayuu soo maray, waxa se mar kasta wehelkiisa ahaa halabuurkiisa iyo suugaanta uu ka curinayo xilliyada qallafsan iyo kuwa ladanba. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Dumarka suugaanyahanka ahi way kooban yihiin, sidoo kale kuwooda jacaylka ka maansoodaa waa dhawr. Ayaan Axmed Caydiid "Kaaba", waa halabuur suugaanteedu dhaliso hadalhayn joogto ah. Waa maxay sababtu? Dhegaysi wacan. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Tabaha xidhiidhka bulshadu waxa uu la jaanqaadaa hadba casriga la joogo. Sida maanta looga wada hadlo telefoonnada iyo internetka, berigii hore loo ma aqoon. Sidee waalidkeen u xidhiidhi jirey, ma soo gaadhay se wakhtigii jacaylkaaga loo qori jirey waraaqo ay ku sawiran yihiin wadnayaal waaweyni? Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Abwaan Siddiiq Maxamed Burmad waxa laga yaabaa in aad codkiisa ka maqashay BBC Somali oo uu uga warramo Hargeysa. Waxa kale oo codkiisa si aan toos ahayn aad uga maqashay fannaaniin badan. Waa abwaanka sameeyay heesaha ay ka midka yihiin, Been Go’ Lagu Deday, Xalaawatulaws, Caashaqu Danguud Maaha, Qaaddiraw Allahayow, Dhulkaagaa Lagu Hodmaa iyo qaar kale oo badan. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Weli qof aad si kedis ah u kulanteen, dabeecaddiinuna is fahantay, weliba aad iska hesheen, ma is weydeen markiiba, sidaasna ma ku kala lunteen. Cumar Seerbiya ayaa markii u horreysay u safray Jabuuti, jidka waxa ay sii wada mareen Sahra. Iyaga oo isku faraxsan ayay kala lumeen markii ay xadka Jabuuti gaadheen. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Ururrada gobanimadoonka ee Soomaalidu way badnaayeen. In badan waxa laga hadlaa SYL oo lagu sheego in ay ahayd hormoodka ururradaas. Maxaa ka jira, halgan noocee ah ayay se gashay? Waxa aan kala sheekaystay qoraa Sayid Axmed Dhegey oo ku nool dalka Sweden, buugaag dhawr ahna ka qoray sooyaalka Soomaalida. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Munira Yussuf waa farshaxan wax ku sawirta kombiyuutarka "Digital Artist". Waxsoosaarka Munira ayaa aad looga bartay dalka Sweden iyo qaaradda Yurub oo dhan muddooyinkii u dambeeyay. Munira waxa hore loogu diiday in loo qaato qaar ka mid ah dugsiyada farshaxanka lagu dhigto ee dalka Sweden, maantana dugsiyadii laftoodii ayaa soo dalbanaya in ay farshaxankeeda ku soo bandhigto iskuulladaas. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Maxamed Baashe X. Xasan waxa uu ku geeriyooday magaalada London, maalintii Khamiistii, 18-kii June 2020. Maxamed waxa uu ahaa qoraa/suxufi/halgamaa jecel horumarinta afka iyo dhaqanka oo uu waxsoosaar badan ku darsaday, sidoo kale waxa uu ahaa qof aragti ku socda oo aan fikirkiisa la baqan. Shakhsiyaddiisii iyo waxsoosaarkiisii waxa ka warramaya qaar ka mid ah asxaabtiisii, Cabdi Faarax Juxa, Rashiid Sh. Cabdillaahi, Saynab Daahir, Boodhari Warsame iyo Xamda Cigaal. Alle ha u naxariisto. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Laba ka mid ah sheekooyinkii ugu saamaynta badnaa taxanihii la odhan jirey #WaaLaygaGuursaday ayaynu qaybtan ku eegaynaa. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Alle ha u naxariisto fannaankeennii weynaa ee Cabdi Tahliil Warsame. Muddo 20 sanno ah oo uu xanuunsanayay ka dib, 5-tii Juun ee 2020-ka ayuu geeriyooday fannaanku. Waxa aan anigu ku xasuusanayaa kulan na dhex maray 1979-kii, aniga oo aan weli dhalan. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Caqabadaha nolosha kula soo gudboonaada oo dhan, waxa lagaga gudbi karaa dhabaradayg iyo samir. Kuwaas wasa sees u ah mahadnaqa Eebbe. Qaybta barnaamijkan oo ah bilowga Season 2 ama Kalka 2-aad, waxa aynu ku eegi doonnaa muhiimadda mahadnaqu u leeyahay qofka. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Su'aalo badan oo ay dhegaystayaashu soo weydiiyeen daaddihiyaha Codka Ubax ayaa barnaamijkan sal u ah. Amina-Isir ayaa qaybtan gadhwadeen ka ah. Dhegaysi wacan!

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Bulshooyinka Soomaalidu aad ayay jacaylka u qaddariyaan, una weyneeyaan dhanka fanka iyo suugaanta marka ay tahay. Balse nolosha caadiga ah, isku si uga ma muuqato dhaqankeenna. Waa maxay sababta jacaylka looga xishoodaa, dadka is qabana aan looga dareemin? Fathia Absie ayaan kala sheekaystay su'aashan iyo kuwo kaleba. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Sweden waxa ay aaminsan tahay, ardayga haddii aan afkiisa hooyo lagu barin iskuulka, afafka kalena wax hagaagsan ka baran maayo. Sidee ayay bulshada Soomaalida ee reer Sweden uga faa'idaystaan fursaddan? Waxa aan la sheekaystay Qoraa Musa Dalmar oo qora buugaagta carruurta, soona turjuma kuwa dhiggooda ah ee Swedish-ka ah. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa sidee xaaladda qoysaska Soomaalida ah ee deggan Sweden? Waxa aan kala sheekaystay Khadra iyo Hana. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waxbarashadu waxa ay ka mid tahay tiirarka horumarka ee ugu waaweyn. Sihaam waxa ay heshay deeq waxbarasho oo Maraykanka ah, maantana waxa ay ka shaqaysaa arrimaha bulshada. Waxa aannu bun ku wada cabnay makhaayad ku taalla Hargeysa, goor ay wax u dhigaysay hablo da' yar. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Nolosha maxaa qiime u yeela, farxadda se miyaa loo shaqaystaa? 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Abwaan Cabdiqaadir Qalinle waa saaxiib ka maansooda jacaylka iyo hawlihiisa. Maanta, Qalinle waxa uu ka faalloonayaa mushkiladaha haasaawaha.

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Bulsho si ay horumar u gaadho, waa in ay jidhka iyo garaadkaba ka korranaataa. Waxa bulshada ku soo badanaya isticmaalka daroogooyinka kala duwan. Waa maxay sababtu, maxaa se la gudboon hay'adaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba, se maxaa waalidka looga baahan yahay?

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Hamse waxa uu ka mid ahaa maxaabiistii ku xidhnayd jeelka caanka ah ee Jeel Ogaadeen loo yaqaanno, kuna yaalla magaalada Jijiga. 

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Waa maxay sababta loo la yaabo marka la arko lammaane isku faraxsan, miyaanay ahayn in lala yaabo labada kale. Raggu ma cadow baa, se dumarku ma carruur cag weyn baa?

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Jacaylkii Ceel Afweyn waxa uu bilaabmay sannadkii 1991-kii. Safar Darroor lagaga tegay ayaa u sabab ahaa. Maanta, soddon sanno ka dib, labadii dhallinyarta ahaa, sidee xaalkoodu yahay? Gobaad ayaa ka warramaysa jacaylkeedii dhallaannimo.

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)

View Details

Qaybta kowaad ee Codka Ubax waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi, Hibaaq Larry iyo Shukri Nuur oo ka hadlaya fahanka podcast-ka ee bulshada dhexdeeda iyo kuwa ay iyagu dhegaystaan.

View Details

Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)