Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn galinkii dambe ee shalay ka dhacday Deegaano ka Tirsan Degmadda Xarardheere ee Gobolka Mudug ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Duqeynta ayaa ka dhacday Tuulada Cadalay oo u dhexeysa Deegaanada camaara iyo Ceelhuur ee Koofurta Gobalka mudug.
Diyaaradaha ayaa duqeeyey laba saldhig oo ay Alshabaab ku lahaayeen heeraraha Caad, waxaa shalay galab 5:00 PM diyaarad dhowr gantaal la beegsatay xero ciidan deegaanka Maamiye, xiliga ay duqeyntaas dhaceysay ayaa la sheegay in saraakiil ka tirsan Alshabaab ay u qudbeynayeen ciidan ku sugan halkaas.
Sidoo kale xalay abaare 1:00AM saqdhexe ayaa markale diyaarado duqeeyeen Saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen meel u dhow magaalada Caad oo lagu magacaabo Kuluc, waxaana duqeyntaan socotay ilaa saaka aroortii.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday Gobolka Mudug.
The post Faah-faahin:-Diyaarado Ilaa Saakay Duqeynayay Koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Radio Simba 95.0 MHZ - Simbanews - Idaacada Simba.
Wasiirka dib u heshiisiinta Mamulka Galmudug Maxa’ed Colaad oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in inta badan ay xaliyeen Khilaafka soo laalaabtay ee u dhaxeeyey maleeshiyo beeleedka wada daga Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisu ay ku guulaysatay in ay xaliso liisaska 4liis kuwaas oo dhaamaan xal laga gaaray.
Dhanka kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in talaabo cad ay ka qaadi doonaan cidii jabisa heshiiyadda laga gaarey dagaal beelledka kusoo laalaabtay Gobolka Galgaduud.
http://www.simbanews.net/wp-content/uploads/2018/07/cod-cawil-ciise-wasiirka-dastuurkas-iyo-dib-uheshiisinta-galmudug-2.mp3 The post Akhriso:-Maamul Goboleedka Galmudug oo Amar Culus Soo Saaray+Dhageyso appeared first on Radio Simba 95.0 MHZ - Simbanews - Idaacada Simba.
Dowladda Qadar ayaa sheegtay in deeqo kala duwan ay la gaareen Qoxootiga Soomaaliyeed ee kunool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab dalka Kenya halkaa oo lasheegay in dhibaatooyin kala duwan ay heysatay qoysas kaasi kunool xeradaasi.
Hay’ad samafal oo laga leeyahay dalkaasi qadar islamarkaana kashaqeysta arimaha samafalka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaan (QC) ayaa sheegtay in kudhawaad 1,000 qoysas soomaali ah oo mudo kunoolaa xeradaasi ay lagaareen gar gaar bani’aadanimo oo ay kamid yihiin cunooyin kala duwan.
Hay’adan laga leeyahay dalkaasi qadar ayaa sheegtay in arintani ay lakaashadeen hay’adda qaramada midoobay uqaabilsan arimaha qaxootiga ee (UNHCR) maadama ay sibuuxda umaamulaan xeradasi ay kujiraan qaxootiga soomaaliyeed ee mudo dhowr iyo labaatan sano kunoolaa xerada ugu qeyn dunida ee dalka Kenya.
Dhinaca kale hay’adan fadhigeedu yahay magaalada Doha ee dalka qadar ayaa carabowday laga soo bilaabo bartamihii bishii April ay qarash gareeyeen lacag dhan 9.6 million oo dolarka marekanka ah kuwaa oo lagu caawinayay qaxootigaasi.
Qaar kamid ah qaysaskii la siiyay deeqdan ayaa aad ugu mahad celiyay dowlada qadar gar gaarka ay waqti kasta lagab taagan tahay qaxootiga soomaaliyeed iyagoona dhanka kale sheegay in deeqdan ay isugu jireen bariis, sokor, bur, saliid, iyo caano, oo ay sheegeen in ay aad ugu baahnaayeen deeqdan.
The post Dowladda Qatar oo Gargaar Gaarsiisay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku Nool Kenya appeared first on Radio Simba 95.0 MHZ - Simbanews - Idaacada Simba.
Doon siday daroogo aan tankeeda la sheegin ayaa dhawaan si dhuumaaleysi ah ugu soo xiratay Dakadda macmalka ah ee Hobyo oo hada la qorsheynayo in balaarin iyo dib u dhis xoog leh lagu sameeyo kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay dabayaaqada sanadkii dhaamaday.
Gudoomiyaha dagmada Hobyo ee dowladd goboleedka GalMudug C/laahi Faat oo la hadlay barnaamijka bartilmaameedka ee ka baxa idaacadda Simba ayaa sheegay inay ciidamada amniga ka howlgala Dakada Hobyo gacanta ku dhigeen maandooriyaha loo yaqaano xashiishka taas oo si dhuumaaleysi ah Dakadda looga soo dajiyay wuxuuna xusay in doontii waday ay baxsatay kadib markii ay rarkii iska dajisay.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay hada baaritaano wadaan halkii ay doonta ka timid iyo cidii ay usoo dagtay Muqaadaraadkaasi Xashiishka ah wuxuuna fariin culus oo xambaarsan digniin u diray dadka danaha deegaanka baa,bi inaya isagoo ugu hanjabay inay xiri doonaan.
Ugu dambeyntii xashiiska ayaa lagu gubay fagaaro ku yaalo Degmadda Hobyo ee Gobolka Mudug.
The post Maandooriye Xashiish oo Lagu Gubay Hobyo ee Gobolka Mudug+Sawirro appeared first on Radio Simba 95.0 MHZ - Simbanews - Idaacada Simba.
Dhageystayaal kusoo Dhawaada Warka Subax Radio Simba ee Magaaladda Muqdisho waana Subaxnimo Arbaco ah Tariikhdana ay Ku beegan tahay 6/12/2017
http://www.simbanews.net/wp-content/uploads/2017/12/warka-subx-6-12-2017-alfa.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Radio Simba ee Magaaladda Muqdisho appeared first on Radio Simba 95.0 MHZ - Simbanews - Idaacada Simba.
Afhayeen u hadlay Ciidamada midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa sheegay in ciidamadooda ay wax eed ah ku lahayn qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ee dagaalyahanada Xarakada Al-Shabab ay geystaan
Waxa uu sheegay in ciidamadooda ay Soomaaliya ka qabteen shaqo badan oo ay Al-shabAab ka saareen dhawr magaalo hase ahaatee sugida amaanka magaalada Muqdisho ay u xil saaran yihiin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in sugida amniga magaaladda muqdisho lakala qeyb saday islamarkaana AMISOM loo xil saaray sugida amaanka madaxtooyadda Soomaliya iyo garoonka diyaaradaha inta kalana waa loo xil saaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo wax laga weydiiyay sababta ay dawlad ugu guulaysan la’dahay sugida magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in dawladu qaaday tilaabo ay ku sugayso amaanka oo ay aas aastay qiyaastii 1500 oo askari oo ku guulaystay in magaalada xasilooni ku soo celiyaan.
“Ugu yaraan shantii bilood aynu soo dhaafnay waxaa laga dhigay Magaaladda Muqdisho mid amaan ah waxaa loo sameeyay ciidamo loogu magac daray xasilinta Caasimadda, 500 oo Police ah, 500 Nabad Sugid, iyo 500 Malatari ayaa loo sameeyay magaaladaan,waxay ka hor tageen weeraro lasoo qorsheeyay, waxay badbaadiyeen nolol badan”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow.
Eng Yariisow waxaa uu sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-Shabab sababta ay magaalada qaraxyada uga geysanayaan ay tahay inay dunida tusaan inay yihiin wili awood jirta.
Sidoo kale Tv-ga Al-Jaziira ayaa baahiyay in sanadkaan Magaaladda Muqdisho ay ka dhaceen qiyaastii 20 qarax kuwaasi oo sababay dhimashada 500 oo ruux iyo dhaawaca 600 oo kale qaraxyadaas badankoodna dagaalyahanada Xarakada Al-Shabab ayaa sheegtay.
The post Waa Maxay Sababta Magaaladda Muqdisho Qaraxyadda Ugu Dhacaan? appeared first on Radio Simba 95.0 MHZ - Simbanews - Idaacada Simba.
Dhageystayaal kusoo Barnaamijka Bartilmaameedka Simba Waa Habeen Isniin ah Taariikhdana ay tahay 09-10-2017 Kusoo dhawaada Barnaamijka Bartilmaameedka oo Habeen Walba Idaacadda Simba Ka baxa
http://www.simbanews.net/wp-content/uploads/2017/10/bar-bartilmamedka-simba-09-10-2017.mp3 The post Dhageyso:-Barnaamijka Bartilmaameedka Idaaacdda Simba appeared first on Radio Simba 95.0 MHZ - Simbanews - Idaacada Simba.
Dhageystayaal kusoo Barnaamijka Bartilmaameedka Simba Waa Habeen Axad ah islamarkaana Isiin ay soo galayo Taariikhdana ay tahay 01-10-2017 Kusoo dhawaada Barnaamijka Bartilmaameedka oo Habeen Walba Idaacadda Simba Ka baxa.
http://www.simbanews.net/wp-content/uploads/2017/10/bar-bartilmamedka-simba-01-10-2017.mp3 The post Dhageyso:-Barnaamijka Bartilmaameedka Idaaacdda Simba appeared first on Radio Simba 95.0 MHZ - Simbanews - Idaacada Simba.
Dhageystayaal kusoo Barnaamijka Bartilmaameedka Simba Waa Habeen Sabti ah islamarkaana Axad ay soo galayo Taariikhdana ay tahay 30-09-2017 Kusoo dhawaada Barnaamijka Bartilmaameedka oo Habeen Walba Idaacadda Simba Ka baxa.
http://www.simbanews.net/wp-content/uploads/2017/09/bar-barta-simba-30-09-2017.mp3 The post Dhageyso:-Barnaamijka Bartilmaameedka Idaaacdda Simba appeared first on Radio Simba 95.0 MHZ - Simbanews - Idaacada Simba.
Dhageystayaal kusoo Barnaamijka Bartilmaameedka Simba Waa Habeen Axad ah islamarkaana Isiin ay soo galayo Taariikhdana ay tahay 24-09-2017 Kusoo dhawaada Barnaamijka Bartilmaameedka oo Habeen Walba Idaacadda Simba Ka baxa.
http://www.simbanews.net/wp-content/uploads/2017/09/bar-barata-24-09-2017.mp3 The post Dhageyso:-Barnaamijka Bartilmaameedka Idaaacdda Simba appeared first on Radio Simba 95.0 MHZ - Simbanews - Idaacada Simba.