“Awood” is a Somali word meaning Strength. Awood podcast is a Social Entrepreneurship & Innovation Podcast by RiseUp, weekly hosted by senior east African entrepreneurs, CEOs, government officials, financial institutions, startups, small -business incubators and business experts by shedding lights on social entrepreneurship, business challenges and experiences of running, growing, and sustaining successful businesses.
Buugga "The Psychology of money" ee Morgan Housel waxa uu ka sheekaynayaa habka ay hantidu u shaqayso iyo faa'iidadeeda, iyo aan kuba daro e talooyin dhaqaale oo dhaxal gal ah. Maadaama oo uu buuggu aad u dheeryahay tani waa soo koobidda darsigiisa.
Kalkii sadexaad
Maadaama dadku ay wada sacaado ama badhaadhe doon yihiin, dadkuna ay kala dookh duwan yihiin, waxa jira hal wax oo ay ka siman yihiin, waa rabitaanka xakamaynta nolosha ama wakhtigooda; taasna hantida ayaa bixisa.
Kalkii sadexaad
Maadaama nolosheenna oo idil ay ku gadaaman tahay technologyaddu waxa aynu isku dayaynaa xalqaddan in aynu ku kor joogsanno dhowr qodob oo caddeynaya saamaeynteeda.
Kalkii sadexaad
Maadaama dunida oo idil ay u wareegtay dhanka technologyada, iyo xirfadaha fudud, waxa aynu xalqaddan ku faaqidoonaa xirfadaha iyo dunida maanta
Kalkii sadexaad
Islaamku waa Diin dhammaystiran oo dhinacyada nolosha oo idil wada hagaysa, haddaba xalaqaddeenani waxa ay innoo ifin doontaa Islaamka iyo aragtidiisa Ganacsiga.
Kalkii sadexaad
Wax ka baro Farxada ah leedahay inaad tahay qof shaqeeya
host: mohamud sayid
Audio Producer: Kadar Abdikadir
Waxaad Dhagaysanaysaa Awood Podcast
xalqadan waxay ka hadlaysaa kasbashada khibrada iyo habka samaynta lacagta
taasi uu si faahfasan inoogu daadihinayo Mahamud Sayid
Kuso dhawaada AWOOD podcast,
Hantidu wa garabka iyo gaashaanka lagu duuli karo wakhtigan, ma badali karo qof naftiisa, ehelkiisa, asxaabtisa iyo wadankiisa hanti la'aan, go'aan nololeed oo qiimo sameeyana ma gaadhi karo.
waxa inoo soo bandhigaya Mahamoud Sayid xidhidhka ka dhexeeya Hantida, Ganacsiga, iyo sacaadada. Dhagaysi Wanaagsan.
Waamaxay suuqgayntu?
Maxaa lagu garan kara nidaamka saxda ah ee suuqgaynta ganacsiga iyo garashada macmiilka tooska ah ee ganacsigaagu?
waxaa su'aalahan iyo qaar kalo badan ino qaada dhigaya Ahmed Ali, Adeege bulsho iyo khabiir ku xeel dheer Entrepreneurshipka, kana qayb qaatay dhismaha iyo yagleelka ganacsiyo badan oo wax ka badalay nolosha bulshada geeska africa.
waxa inoo daadihinaya Maxamud Sayid waxaana soo saaray Badr Hikam.
Waamaxay Entrepreneurship ku?
Maxay ku kala duwanyihin ganacsiga caadiga ah iyo Entrepreneurshipku?
Ma qassaba in dhamaan ganacsiyadu noqdaan Entrepreneurship?
Maxan u baahanahay si aan u noqdo Entrepreneur?
waxaa su'aalahan iyo qaar kalo badan inoo tafatiraya oo ino qaada dhigaya Ahmed Ali, Adeege bulsho iyo khabiir ku xeel dheer Entrepreneurshipka, kana qayb qaatay dhismaha iyo yagleelka ganacsiyo badan oo wax ka badalay nolosha bulshada geeska africa.
waxa inoo daadihinaya Maxamud Sayid waxaana sidan quruxda badan inoogu soo saaray Badr Hikam.
aragtida, falsafada iyi nidaamka qaab fikirku waa astaanta iyo qiyaasta jiritaan qof yeesho, waxaa ino qaada dhigi doona Mohamed Abdisalan iyo Maxamud Sayid, kuso dhawaada kalki koobad, qaybtiisi koobaad.
Dhagaysi wacan!
Soo dhawaada, aan iskiin barnee
Awood podcasta waa codbaahiye ka soo bixi doono Magaalada jigjiga ee caasimadda Deegaanka soomalida, kaalin mug lehna ku yeelan doona hodaminta Afkeenna iyo tayaynta wax soosaarka luuqaddeenna.
Awood podcast waxa aannu u samaynay ku soo gudbinta dhugaashooyin Awood leh oo qayb ka noqon doona kor u qaadka Fahamka iyo Fiirada Bulshadeenna.
Waxa aanu qayb laxaadle ka qaadan doonnaa soo tabinta Fikradaha yagleelidda gagacsiyada ee Entreprenourshipka, si guud waxa aan ku foogganaan doonnaa Dunida dhaqalaha,
Dhidibba u aaska fikradaha gacansiga, isku filnaanshaha shaqsiga, iyo faafinta Shaqada xorta ah, Waa waxa aannu halkan u joogno, waliba si' Awood leh.
Nagu soo biir si aan u wada galon sasanka hal abuurka.